|
|
|
-
AJIGU
WAA MID MADHIBAANKUNA WAA KA KALE!
-
C/Rahman
Eelay. eediran@yahoo.com
-
-
Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay Soomaalidu uga duwantahay caalamka intiisa
kale waa:
-
-
Soomaalidu waa dad meel
ka soo wada jeeda dad yar mooyee, luqad aan sii kala fogeyn kuwada hadla,
isku diin ah, isku dhaqan ah. Intassoo dhan caalamka dhamaantii way kaga
duwan yihiin. Haddana iyagoo intaa wadaaga ayaa habaar ku dhacay oo
waxaaba maanta dhaama kuwa intaaba ku kala duwan oo gartay inay danta
guud ka wada shaqaystaan. Is khilaafka dhexdooda ah dartii iyagoo in
badan isku mid ka ah bay mar labaad caalamka kale kaga duwan yihiin!
-
-
Dadyowga dunidu waa
kala duwan yihiin intii isku qoys ahina waa is leedahay. Qoys walibana
qoyska kale waa ka magac duwan yahay oo meel gooniya ayuu galaa. Waxaa
taa la wadaaga Soomaalida oo dhamaantood hal qabiil oo keliya ah hal
qoysna ah sida aan anigu aaminsanahay. Waxaa la sameystay magacyo aan la
garaneyn asalkooda oo dadku ku kala tageen, haddana marka colaadda xumi
timaado laysugu gurmado! Qolaba qolada kale ayay sheegataa oo waxaad
maqlaysaa Sacad waa Ogaadeen, Galgale waa Majeerteen, Leelkase waa
Xawaadle, Macallin weyne waa Isaaq, Leysaan waa Abgaal, Hadame waa
Ogaadeen, Duduble waa Dhulbahante iwm. Colaaddii sokeeyana qofkii la
qabtaa wuxuu ku qaylin jiray reerka qabatay cidda ay is sheegtaan
markaasaa la siideyn jirey! YAAB! Haddii qolaba qolo leedahay ama ay
isku asal yihiin sow markaa ma oran karno Soomaalida Gobta sheegataa waa
hal qoys oo keliya ! AJI!
-
Midda kale weli ma arag qoys ay is sheegtaan ama is galaan MIDGAAN,
MADHIBAAN, TUMAAL, GABOOYE iwm. Markaa sow taasina na tusi mayso inaysan
isku meel ka soo wada jeedin ee laga dhigay LA YAAL, LA DEGE, REERKANI
REERKEENAY LA DEGAAN! WAA MIDGAANKAYAGII! ANAGA NAMA AHA EE ANAGAA LEH!
ISKU ASAL IYO ISIR TOONA MA NIHIN!
-
-
Takoorid qaab daran
markaanu ka hadlano Madhibaanka oon aan ku saleysnayn Maal, Xukun,
Boqortooyo, Dabaqad, Haybad, Asal Luqad iwm. Dadka qaar baa lagu
takooraa arrimaha aan kor ku soo sheegnay sida Jareerta oo kale ama
dadyowga Hindiya ku nool oo kale laakiin waxaa caqliga ka fog sida ay
Soomaalidu dad ka qurux badan xag walbana kaga horeeya ay u takoorayaan.
-
-
Soomaalidu waxay
taqaanaa abtirsiinyo dheer oon lagaraneyn meesha ay ku dhamaato ama asal
ahaan kasoo jeedo. Waxaa la xafidaa magacyo badan oo is dabayaala halka
dunida kale ay kaleedahay magac keliya oo caan ah oo qooys keliya uu
leeyahay ama abtirsiinyo meel ha garanayo ku dhamaata. Dadku sida uu u
badan yahay ma haystaan abtirsiimyo ee waxay yaqaanaan meesha ay ka
yimaadeen oo keliya. Tusaale ahaan qof baa ku oranaya waxaan asal ahaan
ka imid Irish, Jarmal, Faransiis,Turki oo ahaan jirey magacyo
qabiilooyin markii danbe wadamo noqday. Qofkaasi mayaqaano abtirsiimo
laakiin wuxuu haystaa magac guud oo reerkiisu leeyahay iyo Asalkiisa oo
uu hubo. Soomaalidu waa cagsi oo waxay haysataa magacyo fara badan oon
lagaraneyn asalka ay ku dhamaadaan!
-
-
Islaweyni iyo kibir ay
Soomaalidu ku faanto oon ahayn wadaniyad ama diin ee ah Nasab iyo
Laandheeranimo. Dunida kale waxaa ka jirta in lagu yiraahdo “ Ha is
waalin halkani waa Kenya, Itoobiya, Ameerika, Faransiis iwm. Laakiin
Soomaalidu waxay isugu faantaa nin waliba magaaladuu ka soo jeedo arki
maysid-mabaanan aqoon” qof ku oranaya HALKANI WAA SOOMAALIYA! MA JIRO!
Imisaad maqasheen ANAGOO REER HEBEL AH MIYAA…. Reeraha ay soomaalidu ku
abtirsato ee Daarood, Samaale iyo Saab intuba waxay wada sheegtaan inay
isku meel ka soo jeedaan. Waa asal aan la hubin oo ah Qureesh. Haddii la
weydiiyo in Qureeshi ay ka maqan yihiin dad magacyadaa leh oo Soomaaliya
jooga wax kuu sheega in warkaasi sax yahay heli maysid. Waxaa hadda
qaxootigii tegay Cumaan ay soo sheegeen in reero Darood la dhashay oo la
yiraahdo MEHERI ay degan yihiin Xadrumut. Meherina Qureysh ma galo,
markaa waxaan layaabaa haddiiba ay jiraan kuwaasi maxaa Beelaha Daarood
abtirsiimadoodu halkaa ay uga soo qishi waayeen si ay isku meel ugu
dhamaadaan!
-
-
Soomaalidu mataqaano
Iskaa Wax U qabso(Volunteer) in lagu qasbo mooyee. Waxaad in badan
dadyowga dunida ku arkasaa in ay iyagoon ladirin lacagina ka soo gelin
dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan. Soomaaligii la weydiiyaa warkaalay
oo maanta Iskaa Wax U qabo ku shaqee su’aasha u horeysaa ee ku
weydiinayo waxay tahay maxaan ka soo helayaa? Kii qabtana wuxuu u yaqaan
Majnuun !. In yar baa Ilaah hortii wax u qabata haba u badnaadeen dadka
Diinta xageeda ku dadaala. Iskaa Wax U qabso la’aantu waa sababaha ay
carruurteenu ugu lumeen qurbaha, waa sababaha ay uga sagsaageen
Iskoolada, waa sababaha ay dadyowga ajnabiga ahi ay nooga bateen meelaha
lagu gorfeenayo qorshayaasha Soomaalida ku saabsan!
-
-
Xoolaha Soomaalidu
xoolaha kale waa ka duwan yihiin oo qaylo, dagaal iyo dhiba waxay la
wadaagaan dadka dhaqda ee Soomaalida ah. Xoolaha kale oo dunidu jabaq
badan ma leh marka sayladaha la geeyana iyagaa is dugsada oo ma
carcararaan ismana dilaan! Waxaan filayaa waxyaabaha ugu weyn ee nalooga
joojiyey inaanu xoolaha dhoofino waxaa ugu muhiimsan cudurka la sheegayo
ka sokow sida ay xoolaha soomaaliyeed u dhaqmaan ee Ilaahay uga duway
xoolaha kale. Waxaa laystusay maadaama xoolahani aysan joogsanayn,
qaylana dhaafeyn, dagaalna badan yihiin Soomaalidii cuntayna ay ka
qaadeen cudurkaa anagana yeynaan waalanine YAY NA SOO GELIN!
-
-
C/Rahman
Eelay. eediran@yahoo.com
|
|